•  
  • Home

  • About US
  • Player Roster
  • Photo Gallery
  • Officials
  • Contact Us
  • Videos
  • Profiles


confcup


FORMS & FEES

  Spring 09 Registration

  Emergency Contact

  Adult Registration Form

  Waiver and Release Form

 


CODES of CONDUCTS

  Coach's Role

  Parent's Role

  Player's Role

 

  Player Development

  Videos

 


Profiles

Muqdisho FC

Head Coach



 


 

 

Maamulka Muqdisho Football Club oo u Qabtay Xaflad Sharaf soo Dhawayn ah Waalidiinta iyo Caruurta ay Wax Baraan

 

June 28, 2009 - (MFC) Waxaa magaalada Toronto laga furay Naadi loo bixiyey Muqdisho FC oo loogu tala galay in ay Caruurta Somaaliyeed baraan cayaarta kubada cagta ama loo yaqaan Foot ball ama soccer.

 

Maamulka Muqdisho FC ayaa maanta isugu yeeray Waalidiinta dhalay caruurta ay taba baraan si waalidiinta ay isu bartaan Maamulka iyo Macalimiinta una arkaan qaabka wax loo baro caruurtooda iyo sida ugu fiican ay waalidiinta iyo maamulka u wada shaqayn karaan si loo kordhiyo tarbiyada iyo tababarada caruurta si loo loo helo mustaqbalka caruur ka dhisan jirka iyo maskaxda kana bad baday dhibaatooyinka ka jira wadankan aan ku nool nahay.

 

Naadigan ayaa muuhiimada loo abuuray ay tahay in caruurta laga dhiso Jirka iyo Maskaxda si loo helo Caruur muqtaqbalka meel fiican ka gasha Naadiyada ka cayaara iskuulada ama Jamacadaha ka dibna u sii gudba ilaa heer caalami.

 

Waxaa halkaas wacdi Diini ah ka soo jeediyey Sheikh Bashiir Shiil  oo ah Imaamka Masjidka Khalid Binwalid, wuxuuna ka hadlay waajibaadka waalidiinta ka saaran korinta caruurta, wuxuuna Sheekha aad uga dardaarmay in Caruurta laga dhiso Qalbiga, Maskaxda iyo jirka ayna muhiim tahay in caruurta waqti la geliyo.

Waxaa halkaas ka hadlay Cabdifataax Marayare wuxuuna ka hadlay in ay aad iyo aad muhiim u tahay in caruurta waqti la geliyo si loo helo caruur ku fiican wax barashada iyo ixtiraamka waalidka, waayo wuxuu yiri caruurtii ay dhaleen waalidiintii naga horeyey ma fahamsanayn in ay muhiim tahay in caruurta waqti lageliyo si ay uga bad baadaan dhibaatooyinka wadankan, sababtaas ayaa keentay in ay caruur badan ay ka leexdaan jidkii la rabay in ay maraan.

 

Waxaa halkaas ka hadlay Xasan Xarbi oo ka mid ahaan jiray Naadigii HORSEED ee Somaaliya aadna looga yaqaan dalka gudahiis iyo dibadiisa, wuxuuna waalidiinta ka codsaday in si wada jir loo wada shaqeeyo si loo bad baadiyo Caruurta, wuxuuna balan qaaday in uu isaga qaybta laga rabo waajibkeeda uu gudan doono.

 

Waxaa halkaas ka hadlay Cabdiraxiin Cali Raage wuxuuna ka hadlay in ay muhiim tahay in caruurta la keeno waqtiga lagu balamay ayna waajib tahay in waqtiga la dhowro hadii ay noqon lahayd keenista iyo qaadida caruurta.

 

Waxaa kaloo halkaas  ka hadlay Axmed Cali oo ka tirsan Maamulka Naadiga waxayna aad iyo aad ugu Mahadceliyeen sida Sharafta iyo ixtiraamka leh ay uga soo qayb galeen waalidiinta iyo dadaalka ay ka gaysteen Abuurida Naadigan oo jira mudo aad ugaaban, wax badanna soo qabtay mudada gaaban uu jiray Naadiga.

 

Naadigan wuxuu jiraa mudo aad u gaab wuxuuna gacanta ku hayaa Caruur kor u dhaaftay ilaa 60 arday, iyadoo week kastana la keeno Caruur cusub si loo diiwaan geliyo.

 

Ugu dambayntii waxaan aad iyo aad ugu Mahadcelinayaa Maamulka Naadiga oo muujiyey shaqo wax ku ool ah mudada gaab uu jiray Naadigan iyo dhamaan waalidiinta keensatay caruurtooda si ay uga mid noqdaan asaasa yaashii Nadigan, waxaana hubaal ah hadii si wada jir ah loo wada shaqeeyo in la gaari doono guusha iyo wanaaga loo abuuray Naadigan.

 

Waxaana xafladan soo agaasimay Maamulka Muqdisho FC oo kala ah.

 

Cabdiraxiin Cali Raage

Adan Salaad

Axmed Cali

Xasan Xarbi

Cabditftaax Ahmed (Sette)

Faarax Guure

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Our Official SPONSORS

 

 


 

Come Join Us...

The Muqdisho FC are looking for new players and supporters for the 2009 campaign.
If interested, be sure to contact us so we can keep you posted of up-coming events.

 

Contact Us Here...

 

Copyright © 2009 Muqdisho Football Club. All Rights Reserved. Designed by Maanta Computers