•  
  • Home

  • About US
  • Player Roster
  • Photo Gallery
  • Officials
  • Contact Us

 

FORMS & FEES

  Spring 09 Registration

  Emergency Contact

  Adult Registration Form

  Waiver and Release Form

 


CODES of CONDUCTS

  Coach's Role

  Parent's Role

  Player's Role

 


 


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Muqdisho Football Club: Working hard to serve you better...

 

Maamulka Muqdisho Football Club oo lakulmay Macalin Ibraahim Suudaani.

 

Friday December 4, 2009 - Minneapolis, Minnesota - Waxaa inoo suurta gashay inaan la kulano macalinkii xulka Qaranka Kubada Cagta Soomaaliyeed iyo Kooxdii Horseed Macalin Ibraahim Suudaani oo ku nool magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota.

 

Adan Salad (MFC) oo gudoonsiiyay hadiyad Macalin Ibraahim Suudaani

 

Macalinka oo si heersare ah noogu soo dhaweeyay magaaladiisa ayaa waxaa ka muuqatay xamaasad iyo qiiro wadani nimo iyo sida uu weli ugu hanweyn yahay in dhaliyarada yar yar ee soo koreysa ay xoojiyaan kobcinta ciyaaraha siiba mida Kubada cagta oo uu isagu kusoo dhexjiray mudo aad u dheer.

 

Markaan la sheekeystay macalinka waxa uu iiga waramay taariikhda kubaca cagta ee uu soomaray dalkeeda iyo heerka ay Soomaalidu ka gaartay Ciyaraha kubada Cagta Africa iyo dadlka Carabta iyo heerarkii kala duwanaa ee uu isagu kasoo maray ciyaarta kubada cagta.

 

 

Macalin Ibraahim Suudaani oo xushad heer sare ah ku dhex leh jaaliyada Soomaaliyeed ee dibada iyo gudaha ayaa anigoo ku hadlaaya magaca Maamulka iyo Ciyaartoyda Muqdisho FC aan gudoon siiyay hadiyad ay u soo dhiibeen Maamulka Muqdisho FC isagana uu iiga gudoomay si farxad iyo niyad sami ah.

 

Wareysi dhinacyo badan leh oo aan la yeeshay Macalinka Xulka Qaranka iyo Naadigii Horseed macalin Ibraahim Suudaani ayaan waxaan rajeynayaa inaan idiin soo gudbino maalmaha soo socda hadii ALLA IDMO.

 

Maalinimadii Axada ee bisha December ay aheyd 6 sadankan 2009 ayaa macalin Ibraahim iyo saaxiibkiis Cabdi Yuusuf oo isna kamid ahaa maamulkii iyo shaqaalihii naadigii Horseed ay igu casumeen qado taas oo aanan iloobi doonin.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


 

 

 

 

 

 

 

 

 


 

 

 

Copyright © 2009 Muqdisho Football Club. All Rights Reserved. Designed by Maanta Computers