•  
  • Home

  • About US
  • Player Roster
  • Photo Gallery
  • Officials
  • Contact Us

 

FORMS & FEES

  Spring 09 Registration

  Emergency Contact

  Adult Registration Form

  Waiver and Release Form

 


CODES of CONDUCTS

  Coach's Role

  Parent's Role

  Player's Role

 


 


 

 

Madaxa tababarayaasha Naadiga Muqdisho Football Club oo Booqasho ku tegay magaalada Qaahira ee dalka Masar

 

By: Adan S. Awale - Xafiiska Wararka Qaranimo Online - Toronto, Canada - info@qaranimo.com

 

Madaxa Tababarayaasha naadiga Muqdisho Football Club Mudane Cabdulaahi Bulle oo booqasho gaaban ku jooga magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa la kulmay qaar kamid ah jaaliyada kudhaqan magaalada Qaahira iyo qaar kamid ah ciyaartooydii hore ee Soomaaliya.

 

Mudane Cabdulaahi Bulle oo kulan gaaban kula yeeshay maalintii Axada bisha Febrauary ay aheyd 22, sanadka 2010 magaalada Qaahira madaxa xafiiska warbaahinta qeybta ciyaaraha ee BBC-da Abukar (Boston) ahna Gudomiyaha Olombikada Soomaaliyeed ee Qaarhira, ahna Gudomiyaha Qabanqabooyinka ciyaaeaha ee Soomaalida ee Qaahira ahaana cayaartoydii hore ee cuslatay iyo Cayaaryahan Mustafa (France) oo ah ciyaar yahan da’yar una kala ciyaaray Nadiyada Elman iyo Banadir Tellcomm iyo National team-ka Soomaaliya iyo Osman Hassan (Coach Osman) oo ahaa Ciyaar yahan u kala saftay naadiyada Jeenyo iyo Batroolka waayadii berisamaadka ahaana ciyaar yahan u ciyaaray gobolka Banaadir, Osman Hassan waxa uu ahaan tababare kubada cagta naadiga Elman ee kadhisan magaalada Muqdisho haatana ka tirsan Gudiga Qabanqaaooyinka ciyaaraha ee Qaahira ee dalka Masar.

 

Kulankaan oo kudhacay weji aad iyo aad u wanaagsan ayaa mudane Cabdulaahi Bulle uga war bixiyay wax qabadanka Naadiga Muqdisho Football Club oo ah naadi dhisan muddo gaaban kuna talaabsaday horumar lataaban karo oo ay u riyaaqeen bulsha weynta magaalada Toronto, waalidka iyo ciyaartooyda wax kabarata naadiga.  Martidii kasoo qeyb gashay fadhigaan ayaa warbixintii Cabdulaahi Bulle intii ay socotay eegay website-ka naadiga (www.muqdishofc.com) una riyaaqay habsami usocodka iyo waxqabadka naadiga, waxa kale oo aay amaan usoo jeediyeen maamulka naadiga oo uu ugu horeeyo ciyaar yahankii xulka Qaranka iyo Naadigii Horseed Mudane Xasan Xarbi oo ay ku sheegeen inuu yahya ciyaaryahan ama tababare wax kabedeli kara horumarka naadiga.

 

Mudane Cabdulaahi Bulle intii uu kulanka socoday ayuu waxa uu gudoonsiiyay hadiyado ay soo dhiibeen naadiga Muqdisho Football Club oo uuna gudoonsiiyay qaar kamid ah martidii kasoo qeyb galay kulanka.

 

Si kastabda ha ahaate waxaa xusid mudan in maamulka Muqdisho Football Club ay yihiin maamul wada horumar jecelna inay arkaan dhalinta da’da yare ee Soomaaliyeed ee magaalada Toronto inay noqdaan kuwa ka dhex muuqda ciyaaraha kubada cagta ee caalanka.

 

Waxaan dhawaan idiin soo gudbin doonaa wareysi ay BBC-da layeelaty madaxa tababarayaasha Naadiga Muqdisho Football Club Mudane Cabdulaahi Bulle maalmaaha soo socda.

 

 

 

Misconduct members will be blocked.
Rules:

1. Do not post rude comments.
2. Do not repeat. 

3. Do not be rude to other members.
4. Respect others.

 

 

Yasin Jama

Young Somali Referee

Check his work...

 

 

 

Copyright © 2009 Muqdisho Football Club. All Rights Reserved. Designed by Maanta Computers